Our Vision ( English Translation )
Faaiido wadaag
Qaxootigu waxay mar walba isku dayaan inay la qabsadaan hab dhaqmeedka caadiga ah ee dadka Maraykanku ku dhaqmo. Sida in aroortii hurdada laga kaco, shaqo loo kalaho iyo wixii dhibaato keenaya oo laga fogaado. La qabsashada noocaas ah ayaa raad weeyn ku yeelan doonta horumarka mustaqbalkooda. Haseyeeshee, qaarbaa ku doodaya in Jaaliyadaha Soomaalida qaarkood ay weli waqtiga iskaga dhuminayaan siyaasaddii Afrika ooy ku xiran yihiin ilaa xad ay arki waayeen dhaqaalaha degaankooda ee xawliga ku socda. Hadaba, waxaan ka fursan waayey inaan wax ka qoro arrimaha Jaaliyadaha sababtoo ah jacayl walaaltinimo iyo in aan la doonayo in ay noqdaan kuwa ugu fiican. Marka sida gacal cunka ah ee aan u qoray maqaalkan, macnaheedu waa in aan soo bandhigo sidaan uga fiyoobaan lahayn cudurkii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dalkii dumayey, iyo sida ay nooga go'an tahay in aynu jeebkeena ku soo celino dhaqaalaha nooga baxa masruufka cuntada iyo alaabada guriga .
Jaaliyada Minneapolis/ St. Paul ee cariga Maraykanka waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu tiro badan ee qurbaha ku nool. Hadaba kharashaka masruufka cuntada iyo alaabta guriga kaga baxa Jaaliyadda waxaa lagu qiyaasi karaa marka aynu yarayno ilaa $50 million ee doolarka Maraykanka ah sanadkii. Haddii ay lahaan lahaayeen awood ay ku xukumi karaan kharashkaas meesha uu ku baxayo , sida Jaaliyada shiinaha ee ku dhaqan woqooyiga Maraykanka, waxaa dhici lahayd in doolarka Soomaalidu uu ku soo noq noqon lahaa 13 jeer Soomaalida dhexdeeda !!!. Halkaas waxaa Soomaalida dhigay waa xisaabtan la'aan laga dhaxlay cuduradii dagaaladii sokeeye. Halkaaas marka ay arrintu joogto, waxay dad badani dareemayaan in la isu yimaado oo fadhi balaaran Jaaliyaddu yeelato in ay muhiim tahay.
Waxaan qabaa in dad badani ay fahmi karaan habka la magac baxay dhaqanka mulkiilayaasha, kaasoo ah in la wada yeelan karo oo la maal gashan karo shirkad, ka dibna faaiidada shirkadda ay qaybsadaan inta maalka wada gashatay. Habka faaiidada la isla qaybsanayo ee shirkadda la wada leeyahay, waxay waayihii hore dhaqankeedu ka bilowbay dalka Faransiiska sanadihii 1842. Laakiin carriga Maraykanka ma noqon mid si baahsan loogaga dhaqmo, waase jiraan Jaaliyado ganacsigaas mid la mid ah ku horumaray. Dadka shirkadda wada leh xeerkoodu waa kan Soomaalidu tiraahdo " Xisaabi xil ma leh " oo weliba markaa ay u dheer tahay ilbaxnimo u korortay, xirfad iyo hab tartan ooy shirkadoodu kaga guuleeysan karto kuwa kale. Hadaba taasi waa mid keeni karta midnimo cusub oo isku xirta kuwa fikirkooda ganacsi ama waaya-aragnimadooda ganacsi ay gaartay heer sare oo la oran karo waa qabiil cusb oo la magac baxay faaiido wadaag. Intaa yar ee qosolka leh waa iga kaftan ilaan horey baa loo yiri reer magaal kaftan buu wax ku wada dhamaystaa, laakiin kaygu waa kaftan dhable..!!!!
Marka xisaabtan la'aantu waa midda maanta maalkeenii dadka kale gacanta u gelisay, waxaanse qabaa in si xirfad leh oo deganaansho ku jirto looga soo kaban karo midda maanta na haysa. Su'aali ma xumee heerka aynu doonayno maxaan la gaari weynay ?? Mise sida qaarkeen mar walba yiraahdaan Soomaalidu weli wacyigoodu heerkaas ganacsi (oo aan hoos uga soo sheekayn doono ) ma gaarin ??? Sababaha la oran karo waxaa meeshaas na dhigay waa ragga iyo dumarka ganacsiga ku hawlan oo xilkii saarnaa iska indha tiraya. Meeshii laga rabay in ay i sugu kaaya yeeraan oo ay dhisaan gole hogaamiya Jaaliyadda Soomaalida, xooggeeda dhaqaalena mideeya ayey weli qaarkood nagu wadaan indhosarcaad si aan loo ogaan sirtooda qarsoon oo adiga ( akhristow) aan doonayo inaad iskaa u ogaato, ama u fahamto. Laakiin markaan si fiican uga baaraan degno, talada aynu qaadanayno waa middii noo soo dhicin lahayd xuriyadeena dhaqaale sida xuriyadii isticmaarka aan ka qaadanay 1960.
Si kastaba ha ahaatee, eeddu kuma eka madaxda hormuudka u ah ganacsiga ee waxaa kaloo jira dukaamada hilib xalaalka. Dukaamadaas oo mar walba muujiya sharafka Somaalida dhanka ganacsiga cunada iyo alaabta guriga ee soomalidu gadato. Dukaamadaan waxay aad u fahmeen hab ganacsiga Soomaalidu ku dhaqanto. Weliba intaas oo dadaal ah iyo is xilqaamidba waxaynu Ilaah hortii markhaati ka nahay in ay daacad iyo karti dheeri ay muujiyeen. Waxaan leenahay (Jazaakumullaahu khayr) Eebbe ha idinkugu abaal gudo wax khayr leh).
Waxase aan qarsoodi ahayn dhibkaas ay mareen intaan ognahay si ay u muujiyaan sharafka Soomaalida, hadana ganacsigoodu qaarkood uu barako weyn yeelan waayey, macnaha uu si weyn u kici la'yahay oo khasaaro ay meeshaas kala kulmaan. Sababaha ugu weynina waa aqoon yari dhanka maamulka iyo qiimaha ascaartooda oo kacsan iyo iyagoo bixiya dayn aan xanuunba ku hayn dadka qaba qaarkood, danna ka lahayn dhibka loo soo maray lacagta dukaanka lagu dhisay. Taas oo inta badan dhalisa in dukaankii uu soo saari kari waayo kirada bisha, iskaba daa faaiido la taaban karo. Ka dib waxaa imaanaysa in mulkiilayaashu ay madaxa isla galaan oo is khilaaf iyo is aaminid la'aani awgeed hadba qof lacagtiisii kun kun loogu celiyo. Marka la isku soo duuduubo daynta oo aysan dadka qaarkii isku dhibin soo celinteeda ayaa jabka ugu weyn u keenta dukaamadaas. Sow su'aashii aakhiro nagama dambeyso ?? Ma ilownay taas ??
Waa yahay, waa yahay, intaas noogu filan eedaynta hilib xalaalka iyo qolyaha loo arko horyaalka ganacsiga. Bal aynu daaweyno xaaladan oo xal u helno dhaqaalaha faraha ka baxaya ee jaaliyadeenna. Horta, ma sugi la'dahay xalka aan soo wado !! yaah ?? sharad baan dhiganayaa jawaabtaadu in ay tahay, haa !!! Taasi waa iga kaftan.
Hadaba aniga waxaa ii muuqda aragti aad u fog, mar ay noqotaba in Jaaliyadda soomalidu aayahooda dhaqaale ay xukumi doonaan. waayo waxaa noo siyaadaya ilbaxnimo hab dhaqanka Maraykanka. Waxa taasi lagu gaari karaa waa inagoo abuurna hanti, wax iibsigeenana xirfad caqliyeeysan ku salayna, mar dambena la inaku sirin wax raqiis ah si aan weligeen shabakada saboolka loo dhigay aynu u dhex fadhin oo aynu mar uun uga fakano.
Macnahu wuxuu u dhacayaa sidatan :- Waa in aynu noqonaa kuwa awrka xariga hogaanka u haya, intii aan noqon lahayn kuwa hogaanka loo hayo oo awrka dusha ka saaran oo hadba meeshii la doono loo kaxeeyo. Dhowr talaabo oo aad u adag marka hore fahankoodu hadana xanbaarsan qiimo horumar leh oo wax ku ool ah baa lagu gaari karaa faaiidowadaag.com aan ka soo hadlay. Haddiise aan mar labaad isku dayo in aan banaanka soo dhigo aragtidayda waa " haddii aad wax ku leedahay dukaan ay yaalaan wixii adiga iyo qoyskaagu u baahnayeen, ma ka adeegan lahayd mid qof kale leeyahay ??? " Anigu koleyba kama adeegteen !! Waxaan ka adeegan lahaa dukaan aan anigu wax ka leeyahay oo faaiidadiisa wax ka qaybsanayo oo markii deeq uu dukaankaygu bixinayo aan codkayga siinayo qadiyadaha ama hayadaha wax tara dalkaygii hooyo ay ka mid yihiin RED CROSS iyo CARE INTERNATIONAL si ay u sii wadaan hawlaha samafalka ah ay soomaliya ka wadaan oo ay ka mid yihiin dhismaha cusbitaalada yar yar iyo dugsiyada waxbarashada laga soo bilaabo tuulooyinka gaarayana magaalooyinka waa weyn dhammaan.
Waxaan ku soo gebo gabaynayaa tiradeena badani tayo fiican ma yeelanayso haddii ay naga hoos baxdo in aynu wada jir il gooni ah ku eegi weyno dhaqaalaha masruufka caruurteena iyo qoysaskeena nooga baxa iyo cidda aynu jeebka u gelino maalin walba. Kana sugi mayno madax ku sheega ganacsiga nooga xeel dheer in ay sirtooda soo banaan baxshaan. Koleyba dhicimayso qarniyadaan. Hadaba maxaynu ku khasbaahay in aynu fikirkeena bedelno oo soo gaarsiino heer aad u sareeya oo wixii masruufka aqalka nooga baxaya marka hore soo ceshano oo markaas ka dib kala qaybsano faaiidada si qaybsi is le'eg ah dhamaanteen. Ceeb nagu noqon mayso oo laba siyaaloodba guul bay noo soo hoyinaysaa. Waa midda hore, waxay noqon hanti dhowr, oo hantideenii ayaa dib noogu soo noqonaysa. Tan labaadna waxay abuuraysaa in aynu isugu soo dhawaano inteena isku fikirka ah ( kuwa kalena ay na soo raacaan dabadeed) dhanka bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadatan dhiiga iyo madaxiiba naga wada gashay... qosol.
Hadaba wax walba waxay ku xiran yihiin in qoysaska dhaqaalahoodu miisaanka dhexdhexaadka yihiin iyo kuwa dan yarta ah in ay ku faraxsan yihiin in lacagtooda masruufka aqalka iwm ay maalin walba u geliyaan jeebka dukaan aysan waxba ku lahayn. Halkii ay ka adeegan lahaayeen dukaan ay mulkiileyaasha ka mid yihiin oo ay yaalaan wixii ay u baahnaayeen, oo dabadeed faaiidadii dukaankooda qaybtooda jeebkooda ku soo celiya.
Wax walba ilaah baa og wanaagooda iyo xumaantooda. ilaahow tubta wanaagsan adigaa garanayee duni iyo aakhiroba hadba meeshii wanaagsan nagu hagaaji. Aamiin.
Walaalkiin,
Mahdi shakiib



